SHIRKA MAALGASHIGA MIDOWGA YURUB IYO SOOMAALIYAA.
 

Ganacsatada iyo maalgashadayaasha Soomaaliyeed ee ka shaqeeya kalluumaysiga iyo dhaqaalaha badda ayaa lagu wargelinayaa in ay u diyaargaroobaan iskaashi iyo la qabsasho la xiriirta shirkado waaweyn oo Yurub ka iman doona dalka.
 

Shir heer caalami ah oo diiradda saaraya maalgashiga kalluumaysiga iyo horumarinta dhaqaalaha buluugga ah ayaa ka dhici doona Muqdisho 5–6 Oktoobar 2026. Shirkan waxa uu ujeedkiisu yahay kobcinta iskaashiga ganacsi, kordhinta fursadaha maalgashi, iyo xoojinta awoodda shirkadaha Soomaaliyeed si ay ula tartamaan ugana faa’iidaystaan iskaashiga caalamiga ah.
 

Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah oo ka mid ah qabanqaabiyeyaasha shirkan ayaa bilowday olole lagu diiwaan gelinayo maalgashadayaasha Soomaaliyeed ee danaynaya ka qaybgalka iyo ka faa’iidaysiga fursadaha ka dhalan doona.

Maalgashadayaasha iyo shirkadaha danaynaya waxa lagu dhiirrigelinayaa inay si degdeg ah isu diiwaan geliyaan.
 

📧 Email: dg@mfbe.gov.so

Shirkan waxa uu noqon doonaa fursad muhiim ah oo lagu xoojinayo xiriirka ganacsi, lagu baranayo hal-abuur cusub, isla markaana lagu horumarinayo mustaqbalka kalluumaysiga Soomaaliyeed.