Muqdisho, 01, Juun, 2024, Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xasaan Aadan ayaa Xeer wasiir ku soo saaray Xeerka Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga ee loo soo gaabiyo magacooda FMCD, (Xeer LR 05).
Xeerkan ayaa dhawaan xubnaha golaha Maamulka iyo Horumarinta Kallumeysiga waxay ku meel mariyeen shirkii 3aad ee Golaha ee ka qabsoomay Magaalada Dhusamareb 28-29 bishii May ee 2024.
Xeerkan uu wasiirku soo saaray ayaa horseeday in ay si habsami leh u socoto shaqada baaxadda leh ee hortaalla Golaha Maamulka iyo Horumarinta Kalluumeysiga iyo la gaaro ajendeyaal cad cad oo qeyb ka qaadan kara kaarista isku filnaansho dhaqaale oo waare.
Dhamaad.
Wixii faahfaahin la xiriir xafiiska warfaafinta iyo wacyigalinta bulshada ee waaaaradda,
E-mail: communications@mfmr.gov.so
Twitter: twitter.com/MFBESomalia
Website: https://mfbe.gov.so