Muqdisho, 12, Febraayo, 2024, Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan oo xilka u kala wareejiyey agaasimaha hore iyo agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa faray dhammaan agaasimeyaasha waaxyaha iyo dhammaan shaqaalaha wasaaradda in ay si hufan ula shaqeeyaan agaasimaha cusub lana dar-dary galiyo howlaha muhiim ka u ah Wasaaradda.
Wasiirka Wasaaradda ayaa uga mahadceliyey agaasimihii hore ee Wasaaradda Mudane Maxamuud Shiekh Cabdullaahi dedaalka uu ku bixiyey shaqada mudadii uu agaasimaha guud ka ahaa Wasaaradda isaga oo xusay in weli ay wasaaraddu uga baahan tahay in u uu ku kabo aqoonta iyo waaya-aragnimada uu u lee yahay Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah.
Wasiirka ayaa agaasimaha Cusub ee Wasaaradda Mudane Cabdi Diirshe u rajeeyey in uu la imaan doono howlkarnimo dheeri ah taas oo qeyb ka noqon doonta dedaalka lagu horumarinayo wasaaradda iyo guud ahaan Kalluumeysiga Soomaaliya.
Dhamaad.
Wixii faahfaahin la xiriir xafiiska warfaafinta iyo wacyigalinta bulshada ee waaaaradda,
E-mail: communications@mfmr.gov.so
Twitter: twitter.com/MFBESomalia
Website: https://mfbe.gov.so