Mas’uuliyiin ka socda wasaaradda oo Magaalada Nairobi uga qeybgalay tababar kor loogu qaadayo aqoontooda

Mas’uuliyiin ka socota wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya uga qeybgalay tababarka Warbaahineed ee 2-aad ee IGAD kaas loo qabtay khubaro Kalluumeysi iyo saxafiyiin si kor loogu fursadaha lagu gaari karo Dhaqaalaha Buluugga ah ee waara.

Tababarkan ayaa ahaa mid ku wajahan dadka gacanta ku haya qeybta kalluumeysiga ee dalalka IGAD, waxaana ujeedada guud ee tababarka ay tahay in la diyaariyo khubaro dhanka dhaqaalaha buluuga ah iyo saxafiyiinta ka soo warrama kaluumaysiga iyo dhaqaalaha buluuga ah ee ka socda wadamada IGAD, taas oo horseedeysa in la dhiso awoodda ka-faa’iideystayaasha Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah gaar ahaan dhinacyada warfaafinta iyo u doodista warbaahinta si kor loogu qaado hab-dhaqannada kalluumeysiga ee waara ee dalalka IGAD.

Dhaqaalaha Buluugga ah waa mid ka mid ah tiirarka dhaqaalaha ee dalalka IGAD, waxaana uu door muhiim ah ka ciyaaraa joogteynta nolosha malaayiin dad ah kuwaas oo ka hela shaqo iyo ilo cunto oo muhiim ah.

Ka qaybgalayaashu waxay si wanaagsan ugu qalabaysan doonaan inay fariintooda u gudbiyaan si wax ku ool ah iyo in ay fahmaan xaaladaha isdhexgalka warbaahinta ee kala duwan.

 

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Scroll to Top