Muqdisho, 23, Janaayo, 2024, Wasiirka wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Xassan Aadan ayaa kulan muhiim ah la qaatay danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya marwo Karin JOHANSSON iyo Taliyaha Ciidanka badda ee Midowga Yurub Mudane Ignacio Villanueva Serrano,
Labada dhinac ayaa ka wadahadlay xoojinta iskaashiga Midowga Yurub iyo Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Horumarinta Kalluumeysiga, Suuqgeynta iyo la dagaalanka Kalluumeysiga Sharci darrada ee Badaha dalka kuwaas oo kamid ah waxyaabaha horutabinta u leh wasaaradda iyo Xukuumadda DanQaran.
Sidoo kale waxay ka wadahadleen wadaagidda macluumaadka la xiriira kalluumeysiga sharci darrada ah, iyo in Midowga Yurub ay Wasaaradda ka tageeraan sidii loo horumarin lahaa hababka iyo farsamooyinka looga hortagayo Kalluumeysiga Shari daraha ah ee badaha Soomaaliya.
Wasiirka wasaaradda iyo masβuuliyiinta Midowga Yurub ayaa hoosta ka wada xariiqnay muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta Kalluumeysiga si loo gaaro horumar dhaqaale oo waara, taas oo Midowga uu diyaar u yahay in uu kala shaqeeyo Xukuumadda iyo wasaaradda.
Dhammaad